Thursday, August 6, 2020

Sooyaalka Qoraalka Farta

Sooyaalka Qoraalka Farta

Fartu waa gumarada ugu weyn gumarooyinka aadanuhu dunida ku soo kordhiyay. La'aanteed aqoontu ma taabagasheen oo halka ay hadda joogto ma gaadheen. Ma na suurtogasheen in la dhiteeyo mahadhooyinka iyo waayo-aragnimada qori-isku-dhiibka ah ee aadanaha kala dhaxlay.

Abaalkaa aan duugoobayn waa Farta ee waxa suurtogeliyay oo soo kordhiyay ilbaxnimadii guunka ahayd ee Faraaciinta. Hiroglaafi (Hieroglyphs) waa fartii ugu horeysay ee faraha oo dhan ay ka hanaqaadeen. Waa hab sawiro ah oo sawirkasta u taagan yahay dhawaaqqa magaciisu ka bilaabmo. Tusaale,  dhawaaqqa 'x' waxa u taagan xadhig soohan (ka eeg sawirka hoose).

Muddo ka dib waxa fartii sawirada ahayd fudaydiyay oo shaqallo ku daray dadyow badmareeno ahaa oo la odhan jiray Foniishiyan (Phoenician) oo deganaan jiray dhulka haddeer loo yaqaan Lubnaan . Waa qolada lagu maamuusay ereyada phonology iyo phonetics ee aqoonta codeynta ee afyahannimada (linguistics) la xidhiidha.

Fartii waxa ay u kala baxday laba qaybood, qayb Giriigu qaatay Kadibna Roomaanka oo afkoodu Laatiin ahaa ka sii qaateen oo loo aqoonsaday Alifbiito, iyo qayb kale oo Sematiggu (Aramaic, Cibriga iyo Carabiga) qaateen oo loo bixiyay Abgad (Abjad).

Alifbiito (Alphabet) waxa laga keenay labada xaraf ee  ugu horeeyay hiroglaafiga waa Alifka iyo Biitada. Abgad (Abjad) waxa iyana loo soo gaabiyay afarta xaraf ee hore ee kala ah Alif, biito, gambadh, iyo dhudhunka, ogow oo Carabigu ma leh dhawaaqqa "G" da badelkeedana waxa u taagan "J" sidaas ayaanay "Abjad" ama "Abjadiyah" ugu dhawaaqaan.

Habka Abgadku waa hab-qoraal xarfihiisu shibaneyaal keliya ka kooban yihiin oo aan lahayn shaqallo, halka shaqaladana waxa ugu jira xarakooyinka. Afafka abgadka wax ku qorta waxa ugu weyn Carabiga iyo Cibriga (afka Yuhuudda). Si la mid ah, Faraaciinta fartoodu waxa ay ahayd shibaneyaal keliya. Se Alifbiitada xarfaheedu waxa ay iskugu jiraan shibaneyaal iyo shaqallo.

Ogow Faraaciintu "Alifka" waxa ay u aqoonsanayd shibane, Carabta iyo Cibriguna sidaas ayay iyana shibane ugu qaateen. Aqoonta codeynta alifka waxa uu ka mid yahay shibanayaasha waxaana loo yaqaan doob-xidhan (glottal stop). 

Tusaale;

Ereyga أكل waxa uu ka kooban yahay saddex xaraf/shibane ee أ iyo ك iyo ل. Ereyga Soomaaliga ah ee "arag" isna waxa uu ka kooban yahay saddex shibane ee "alif", r iyo d iyo shaqalka "a" oo u dhexeeya labada shibane ee danbe. Se qoraal ahaan waxa isku dhigmo noqday alifkii iyo shaqalkii "a".

Haddaba, weydiintu waxa ay tahay Soomaaligu labadaa hab (Alifbiito iyo abgad) midkee ayuu yahay?

Haddii aad si dhab ah ugu fiirsato  af Soomaaliga oo aad iska indhotirto fartan loo qoray 1972-dii, waxa kuu soo baxaysa in alifku shibaneyaashiisa ka mid yahay. Suugaanta oo u mudan wax tusaale loo qaato alifku waa mid ka mid ah xarafraaca maansada.

Inkasta oo firginta (') shibanayaasha lagu daray haddana muhiimad lama siin oo lama adeegsan. Taasina waxa ay qoraalkii afka ku keentay jahawareer ay isku murgeen shaqaladii (xarakooyinkii) iyo alifkii. Ogow firgintu waa "alif" se shaqadii alifka oo dhan lama siin keliya waxa lagu koobay meelo gaar ah sida da'da, ci'da (a-da, iyo i-da halkaas ku jira waa shibanihii alifka ahaa oo kordhig iyo hoosdhig qaatay ama shaqallada 'a' iyo 'I' yeeshay).

Hadal iyo dhamaan qabyada farta Soomaaligu waa ka qotodheer tahay inta ilaa hadda wax laga qoray. Fartuna waxa ay ku godan tahay farta lafteeda.

Lifaaq:

Hoos waxaan taxay fartii Faraaciinta oo dhawaaq raaciyay.

A – Alif

B – Biito

G – Gambadh

D – Dhundhun (Dundun)

H – Hoy

W – Wacal

Z – Zeed (seed)

X – Xadhig

T – Taag (Tuur)

K – Kalax

L – Laan

M – Mays (Guun-Mays)

N – Naani (biyo)

S – Suun

C – Cudud

F – Fanto

Th – Theeto (Seetada geela)

Q – Qar (markii danbe QOf lagu badalay)

R – Reh (Af hadlaya)

Sh- Shax (Shax biyo fadhiyaan)

P – Par (Baro ama guri la dego)

Kh – Khad

Ereyada la maydhaamay (dhalanrogay)

Puntland

Ereyga 'Punt' waa erey magac ah oo sida la sheegay waayadii hore loo qayaanay jiid balaadhan oo ka tirsan dhulweynaha Soomaalida. Waa jiidda dhanka koonfureed kaga teedsan badacas ee ka soo bilaabanta gobolka bari ee Boosaaso magaalamadaxda u tahay ilaa gaadhsiisan dhulka canfarta ee Djibouti iyo Eritrea. 


Faraaciintii hore, sida la sheegay dhulkaa wax ay u yaqaaneen dhulka awoowyada ay ka soo jeedaan ama ka isiran yihiin. Sida ku xusan qoraaladii ay ka tageen ee ku qoran hannaanka loo yaqaano "haragliif" saddexdan xaraf "PWN" oo la raaciyay qodobka dhedigga ee "t". Taas oo giriigu ugu dhawaaqay Punt. Se marka aad u fiirsato xarafaha oo aad dhawaaq u yeesho noqonaya BUUNTA. 


Haa, waa sidaa, waayo iyagu xarfaha sidan " PWNT" uma ay qori jirin, se wax fartoodu u qormi jirtay hanaan sawiro ah, oo sawir walba u taagan yahay Xaraf. Tusaale, marka ay doonayaan in ay qoraan "L" wax ay sawiri jireen libaax fadhiya, iwm. Haddaba, ereyga 'buun' wax ay ku muujin jireen saddex sawir oo ka dhexdu yahay shinbir ama digaagad yar oo dhal ah oo u taagnay xarafka "W" mararka qaarna noqota dhawaaqyada "U" ama "UU".


BUUN waa erey soomaali ah oo loo yaqaan wax la afuufo oo ka samaysan gees xoolaad. Haddaba dhulkan ay PUNT ama BUUNTA (marka lab laga dhigona waa BUUNKA) u yaqaaneen waa dhulka haddeer loo yaqaan geeska Afrika (buunka Afrika). Miyaan markaa magaca PUNT ahayn magacii BUUN oo inta Giriig afkiisa ku turjuntay   dhalanrogmay. 


Inta afkeenii Giriig badalay ayaynu inaguna isaga dib uga soo qaadanay isaga oo macne kale wata. Punt ama buun, lama macne aha 'udug'. Se dhulka 'Buun' ayaa ah dhulka udugga Faraaciinta, Giriigga iyo Roomaanku ka gadan jireen, haddeerna udugga dunida isticmaasho 80% waxa laga dhoofiyaa dhulkan Soomaalida. Malahaygana halka udugga iyo magaca laga xidhiidhinayaana waa halkaas.


Inta dunida gashi igaga maqan, garanba maysaan.

Macnaha Magaca Eebe


Horta adeegsiga Ereyga Eebe waa mid taabogalay oo Soomaalida haddeer u taqaan Alleh sidaasna ku saxan. Afkuna sidiisaba waa dhawaaqyo isku tagay oo ereyo sameeya oo dadku erey kasta wax gaar ah sumad uga dhigtay oo la isla gartay ama la is ku la aqoonsaday. Inta badan ereyga iyo waxa loo yaqaano xidhiidh kama dhexeeyo waxaana taa ka hadasha aqoonta semantics ee ereyada iyo macnahooda ku foogan. Marar kalena waxa dhacda in ereyada macne-guur ku dhaco oo waa hore waxii loo yaqaan inta laga kaxeeyo macne cusub la siiyo.

Magaca Eebe waa erey la macne ah "dhamme" (dhamays). Ereygu waxa uu u dhisan yahay eeb#e oo ah qaabka yeelaha, waxaanu la dhisme yahay jir#e, joog#e, cun#e iwm.

Inta badan ereyada alifka ku bilaabma Soomaaliga kolkol waa la dheereeyaa kolkolna waxa aad arkaysaa iyagoo gaaban sida; aabe oo ka yimid ereyga "ab" oo sida muuqata shaqalkiisa la gaabiyay. Waxa la mid ah "aag" oo markan si gaaban loogu dhawaaqo "ag" iyo "agagaar".

Eebe waxa uu la jirid yahay ereyada ebi, ebyan, ebyoone, eebo iwm. Waxa muuqata in dhawaaqqa "e" qaarkood la dheereeyo qaarkoodna la gaabiyo marka lagu dhawaaqayo. Sida aynu kor ku xusnay waa arrin caadi ah oo la xidhiidhta codeynta.

Weydiintu waxa ay noqonaysaa: halkee macnaha Eebe ee aynu "dhamme" ku sheegnay u cuskanay ama ka keenay?

Sida aqoonta etymology ina barayso ereyada macnahooda si loo sugo waxa la raadiyaa ereyada kale ee ay sal-wadaagga yihiin, kuwaas oo macnahooda inta la taxo dabadeed halkaa laga soo dhiraandhirsado macnaha ay wadaagaan. Si aynu haddaba macnaha Eebe u sugno aan dhugano macnaha ereyada aynu kor ku xusnay ee ay sal-wadaagga yihiin.

Ebi waa erey fal ah oo macnahiisu yahay "Hawl hore loo bilaabay ama qabyo ahayd dhamaystirid". Marka lagu yidhaah "ebi" waa amar toos ah oo qofka la la hadlayo la farayo in hawl qabyo ah uu dhamaystiro.

Ebyan waa erey "Tilmaan ama sifo" ah oo macnahiisu yahay "wax la dhamaystiray noqosho" ebyoon iyana waa la macne.

Halkaa waxa inooga muuqata in ereyadaa sal-wadaagga ah dhamaantood ereyga "dhamaystir" wadaagaan. Si kale haddaynu u dhigno fal-amarka "ebi" waxa uu la mid yahay "dhamee". Marka labada erey dibkabayaasha ka reebno inta inoo soo hadhaysa oo ah salka ama jiriddoodu waa "eb" iyo "dhan". Haddii aynu dibkabaha yeelaha ee "e" raacino waxa ay noqonayaan "ebe" iyo "dhamme" (sida caadiga ah "n" marka ereyga ugu danbeyso haddii dibkabe la raaciyo "m" ayay isku badashaa sida "san" = "same" ama "samaan", "xun" = "xume" ama "xumaan". 

Hadal iyo dhamaan afku waa kolba sida bulshada ku hadashaa iskula garato ee ay u adeegsato. Afkastana waa ku jiraan ereyo macne-guur ku dhacay iyo ereyo kale oo aanay macnahooda afkoodu qeexi karin, waxaana ka mid ah ereyga Alleh oo af Carabigu aanu qeexi karin macnehiisa iyo asalkiisa toona. Se ereyga Eebe waa erey Soomaaliyeed oo dhamme la macne ah.

F.g 

Macnaha ereyada kor ku xusnay waxa aan ka soo qaadanay Qaamuuska Af-soomaaliga ee ay wada diyaariyeen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur.