Tuesday, December 3, 2019
Maamullo is Dabraya
Afeef:
Qormadan 2016 kii ayaynu halkan ku baahinay, se wax aan jeclaysay in aan kolkale idinla wadaago. Waayo nuxurka ay ka hadlayso ayaa ah arrin taagan oo aynaan wali xal u helin. Shifo ku il saar oo shar kuuma leh.
Maamullo is Dabraya
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim (Xidigtii Dagaara 1964)
Gogol-dhig
Hab-nololeedka bulsho bar kuwada uuman oo nolol-wadaag ahi, maaha mid hal mar bilaabmay ama isaga oo isku dhan dadkaasi samaysteen. Waa hab ku yimid qori isku dhib, koriinkiisu furan yahay oo la koraya hadba sida noloshu u korayso. Hab-nololeedkaasi, waa baadisooce ummadda wadaagta leedahay, kana sooca bulshooyinka kale ee aan la wadaagin. Habkaasi, waxa ku guda jira oo uu koobsadaa dhamaan waxa qoomiyadi wadaagto ee qeexa jiritaankeeda qoomiyad ahaaneed. Waxyaabaha ugu waaweyn ee aynu ka xusi karno waxa kamid ah afka ay leedahay, waxa ay rumaysan tahay (believes), xeerarka (laws) ka dhexeeya, caadooyinka (norms) xasuus wadareedka u ah ee ay wadaagto ama ay leedahay, qiyamka (values) ama waxa ay qiimayso iyo kuwo kale.
Bulsho kasta oo dunida ku nooli way taqaanay sida ay u xalliso arrimaha dhexdeeda yimaadda, martina ugamay noqon jirin cid kale. Sidoo kale qaabka ay isku maamusho, waxa uu ahaa mid ay taqaano oo baahiyaheeda ka yimid, oo sooyaalkeeda nololeed ku sar go’an, dhaqankeedana ku guda jira. Maamullada bulshooyinku way kala duwanaayeen oo sida degaanada iyo qaab nololeedkoodu u kala duwanaa ayay hab-maamulladoodu u kala duwanaayeen, suurto galna may ahayn in loo minguuriyo hab-maamul bulsho leedahay mid kale. Haddii labada degaan aad u kala duwan yihiina wayba ka sii darnayd/adkayd.
Hor-dhac
Maamul-wanaaga (Good Governance) iyo dimuqraadiyaddayntu (Democratization) waa mashaariic waayadan danbe dunida ku soo biiray, oo waliba dhaqaale xoog leh ku baxo, sida la yidhaah na ujeedadooddu tahay sidii loo hormarin lahaa ama ba kor loogu qaadi lahaa tayada dawladnimo, guud ahaan dalalka dunida, gaar ahaanna dalalka loo yaqaan dunida saddexaad, marka magaca laga qurixinayana loogu yeedho wadamada soo-koraya, uguna badsadaan dalalka Afrikada ku yaal. In kasta oo hab-nololeedka bulshooyinka dunidu kala duwan yahay, haddana waxa ay ka wada sinnaadeen in dhamaantoodba qaadashada nidaamkaasi u hano-qaadi waayo sidii loo qoondeeyay, oo uu ku adkaado dhamaantoodba.
Soomalida sida aynu ka warqabno nidaamka dawladeed ee cusub (Modern Government System) waxa uu ka hirgalay horaantii lixdamaadkii. Yagleelka dawladnimada cusub waxa saamayn toos ah iyo mid dadban ku lahaa gumaystihii muddada badan ka talinayay geyiga. Taasi waa ta keentay isla markaana dhaxalsiisay in Muddadaas laga joogo qarni badhkii in wali Soomaalidu la daala dhacdo hirgalinta nidaamkaas. Qaadashada nidaamka cusubi, muu noqon mid iyaga ka yimid oo tiirka haya ee salka u ah uu ku qotomo dhaqankeedii taabudka ahaa, isla mar ahaantaana muu noqon mid ka fal-celinay baahidooda gaarka ah. Balse waxa keliya ee Soomaalida la kala dooransiiyay uun nidaamadii ka jiray dunida waagaas.
Sidaa badelkeeda, dawladnimada Soomaaliland waxa bud dhig looga dhigay habka dhaqanka oo ay hormood ka ahaayeen odayaasha reerahu. Nidaamka dhaqanka waa ka suurto galiyay in haykal dawladeed oo dhamaystirani ka hana-qaado Soomaaliland, laguna nabadeeyo dalka. Nidaamka dhaqanka ku dhisan ama loo yaqaan axdi qarameed waxa uu si buuxda uga shaqeeyay dalka muddo kow iyo toban sanno ah oo ku sinnayd ilaa intii laga soo gaadhayay hirgalinta nidaamka xisbiyada badan ee loo yaqaan dimuqraadiga, kaas oo Soomaaliland laga dhaqan galiyay sanadkii 2002. Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay tahay, in badi waxa Soomaaliland ku faanto la hirgaliyay intii ka horaysay 2002. Walow Soomaaliland ka guurtay nidaamkii dhaqanka ku dhisnaa ee loo yaqaanay axdi-qarameedka, hayaankiina loo raray dhankaa iyo nidaamka ku dhisan xisbiyada badan, haddana waxa jira oo aan indhaha laga qarsan karin, in nidaamkii dhaqanku wali haysto kalsoonidii shacabka, misena ka garab shaqaynayo nidaamkii cusbaa, haddana, labada nidaam aanay ahayn kuwo si hufan iskaga garab shaqaynaya, balse ay yihiin kuwo is dabraya oo hagardaamo badi aan la dhaadayn oo hoose isku haya, oo mid ba ka kale wiiqayo.
Haddaba, qormadan gaaban waxa aynu si guud diiradda ugu saari doonaa nidaamada is dabraya ee Soomaaliland iyo waxa looga baahnaa ama looga baahan yahay dimuqraadiyadda, iyo waxa hortaagan in ay hirgasho?. Si ay nu wax uga ogaano ama waydiinta uga fal celino waxa ay nu ugu horayn is dul taagi doonaa oo ay nu qeexi doona waxa uu dhaqanku yahay iyo xidhiidhka uu la leeyahay maamulka. Waxa kale oo aynu wax iska waydiin doonaa waxa aynu dimuqraadiyadda uga baahannahay. Ugu danbayntii qormadan kooban waxa aynu gundhig uga dhigi doonaa oo ay nu ku soo afmeeri doona jaadka maamul ama nidaam ee loo baahan tahay.
Waa maxay Dhaqan?
Isku socodka aadamaha ee bulshooyinku isku gudbeen ee layskaga gudbay qaarado ayaa keentay in aqoon ahaan loo baadho ama loo barto bulshooyinka. Taasina waata keenta in aqoonta la xidhiidha barashada bulshadu ay noqoto mid ku soo biirta dunida. Haddaba, si bulsho wax looga ogaado ama looga barto waxa fure u ah barashada dhaqanka. Dhaqankuna waa waxa ugu weyn ama tilmaamaha qeexa jiritaanka bulsho.
Haddaba waydiinta si aynu uga jawaabno, waxa aynu u baahanahay in marka hore aan is dul taagno oo aynu isla garano, bal waxa ay bulsho tahay? Sida ay ku qeexeen aqoonyahannada ku xeeldheer cilmiga Bulshada (Sociology) Waxa ay bulsho u yaqaanaan “koox dad ah oo xidhiidh dhow isla leh nololna wadaaga. Isla mar ahaantaana uu middeeyo hal dhaqan oo ka dhaxeeya, kaas oo ka sooca dadyowga kale ee dunida kula nool ama dhaqan ahaan ka duwan” Morris Ginsberg. Sida dadkaasi u fakaraan ama u dhaqmaan waxa jaangoynteeda leh dhaqanka ay wadaagaan.
Dhaqanku ma aha sida Soomaalida ama dadyow badan oo dunida ku nool xilliyadan danbe u qeexaan. Suugaanta, dharka, ciyaar dhaqameeda iyo agabka la isticmaalo ee soo jireenka ahi, ma aha waxa keliya ee sameeya ama uu ka koobmo dhaqanku, balse waa qayb yar oo kamid ah. Dhaqanku waa hab-nololeed dhamaystiran oo bulsho ka garab samaysato degaanka dabiiciga ah ee Ilaahay ku uumay. Habkaa oo loo yaqaan degaan-bulsheed (Social environment) oo ah degaan aan dabiici ahayn waxa ka mid ah samaysashada guryaha iyo magaalooyinka, aragtida nololeed, xeeladaha ama farsamooyinka nolosha lagula tacaalo, iyo wax kasta oo aadanuhu ku soo kordhiyay degaanka dabiiciga ah. Taasi waa waxa ka sooca Ilma-nabi-aadam noolaha kale, waayo noolaha kale waxa uu la noolaada hadba degaanka dabiiciga ah ee Eebe ku beeray, awood na uma laha in uu yagleelo degaan ka duwan ka dabiiciga ah.
Tilmaamaha ugu waawayn ee dhaqanku leeyahay ama bulsho laga ogaado waxa ugu horeeya qiyamka (values) oo ah waxa bulshadaasi qiimayso ama aragtida iyo sida ay nolosha u aragto. Waxa kale oo iyana jira waxa caado (norms) u ah. Caadooyinkaasi waa xusuus wadareed bulshada ka dhexeeya, waana waxa bulshada u kala soora sax iyo qalad, wax suurta gal ah iyo wax aan suurta gal ahayn. Haddii aan si kale u dhigno caadooyinku waa xeerarka aan qornayn ee qeexa waxa qof bulshada ka mid ah laga filan karo, iyo waxa aan laga fili karin.
Bal si aan u fahano xidhiidhka ka dhaxeeya bulsho iyo dhaqanka, aan ekeeye (metaphor) u qaadanno kombuyuutarka. Kombuyuutarku, waxa uu u qaybiysamaa ama uu u kala baxaa guud ahaan laba qaybood oo loo kala yaqaan:
a) Hardware: oo ah qaybaha la taaban karo ee uu kombuyuutarku leeyahay
b) Software: oo ah barnaamijka ka shaqaysiiya hardware ka ee is fahansiiya isla markaana isku xidha qaybaha kala duwan ee kombuyuutarka.
Sidaa markay tahay, miyaynaan bulsho odhan karin ama u qaadan karin “hardware", dhaqan kana “software”. Waxa kale oo la og yahay in midkoodna (hardware iyo software) ka kale la’aantii aanu shaqayn karin. Sidaa si lamid ah ayaan bulsho jiri karin hadaanu jirin dhaqan ay wadaagtaa, dhaqankuna aanu kelidii u jiri karin haddaan bulshadiisu jirin. Tusaale ahaan, bulsho soomaaliyeed in ay jirto oo ay ka soocnaato bulshooyinka kale ee dunida waxa suurto galiyay dhaqanka u gaarka ah ee ay leedahay. Sidaas oo kale ayaanu jiri karin dhaqanka soomaaligu kelidii, haddii aan bulsho soomaaliyeed jirin. Haddaba, dhaqanku waa waxa isku-haya ama xidhiidhiya bulsho. Sida barnaamij u gaar ah kombuyuutar aan loo tabin karin kombuyuutar kale oo aanu ugu shaqayn karin, ayaa si lamid ah dhaqan bulsho leedahay aanu ugu shaqayn karin bulsho kale.
La soco qaybaha danbe…..
Sunday, December 1, 2019
Xeeldheerida Soomaalidii hore ee caafimaadka
Xeeldheerida Soomaalidii hore ee caafimaadka
Waxa hubanti ah in aadamuhu jeerkasta oo uu noolyahayba halgan uu kula jiro nolosha. Jirrabka nololeed ee uu hadba la soo jaalana u raadiyo xeeshii uu ku maarayn lahaa. Legdanka nololeed ee aadmuhu nolosha la tacaalayaa, waa kan ka soocaya noolaha intiisa kale, kana dhigay abuurkan karaamaysan ugaaska koonka iyo wixii ku dhex uuman.
Gumaysiga ka hor, Soomaalidu waxay ahayd bulsho isku filan oo nolosha kaalin muuqata ku leh. May ahayn bulsho sugta kaalmo shisheeye oo hadba dhibaha ka hor yimaadda xalkooda cid kale ugu qayshada. Se waxa ay ahaayeen bulsho isku fulin oo taqaan sida loo maareeyo dhib kasta oo la soo dersa.
Duulaankaas shisheeye ee boqol iyo konton jirsaday, wuxuu sababbay burbur umadeed oo baaxad leh oo saanyaday dhinacyo badan oo nolosheeda ah. Wuxuu weerarkaasi khataraha ugu daran ku yeeshay qabkii ummadnimo, wuxuuna dhaawac u gaystay kalsoonidii iyo isku-filnaantii bulshonimo.
Haddaba, qormadan oo hordhac u noqon doonta qormooyin taxane ah oo aan u bixinay 'Caafimaadka iyo Xeerdheerida Soomaalidii hore' oo aynu si taxane ah maalinba mawduuc diiradda ku saari doono. Qormadanna wax aynu ku eegi doonaa xubinta beerka. innaga oo ka eegayna xidhiidhka ka dhexeeya shaqada ay qabato iyo magaceeda.
Beerka
Aqoonta Soomaalidu u lahayd xubnaha jidhka waa mid muuqata oo laga dareemi karo ereybixinada mid walba ay u taqaanay. Ereybixinadaasi, keliya maaha magac, se waa kuwo ka turjumaya sida ay Soomaalidu aqoon durugsan ugu lahayd shaqada xubintaasi qabato iyo muhiimada jidhka ay u leedahay.
Macnaha ereyga Beer (liver) ee qaamuuska;
1. Kol waa magac lab waana xubin uurkujirta ah
lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu
madow guduud ku dheehanyahay ah oo
samaysa xammeytida, dhiiggana wixii
sumeynaya ka ilaalisa. Ama Qaybta dhexe ee
midhaha, jilicsan, qolof ku dahaadhan oo uu
geedku ka beermo.
2. Kolna waa magac dhedig oo waa dhul la falay oo dhir, midho iwm lagu abuuri karo.
3. Kol kalena waa fal amar ah oo cid lagu farayo in ay wax beerto.
Maxay tahay Shaqada Beerku?
Beerku waa xubinta lagu habeeyo kimikooyinka jidhku u baahan yahay si uu u noolaado. Waa xubinta nafaqooyinka cuntada uu ka helo loogu badalo qaabab uu jidhku qaadan karo. Shaqooyinka ugu waaweyn ee uu qabtana waxa ka mid ah;
1. Inuu xakameeyo heerka sonkorta dhiiga la socota. Marka sonkortu ay ku badato dhiiga waa uu ka reebaa oo kaydiyaa si marka ay ku yaraato u raaciyo dhiiga.
2. Wuxuu soo saaraa borotiinka sameeya xinjirowga.
3. Wuxuu ka qayb qaataa burburinta dufanka, waxaanu u badalaa tabar jidhku ku shaqeeyo.
4. Wuxuu meesha ka saaraa unugyada dhiiga cascas ee duqoobay.
5. Wuxuu kale oo dhiiga ka reebaa wixii wasakh ah ee la socda, jidhkana dibada uga saaraa isaga oo raaciya kaadida.
Si kale haddaynu I dhigno oo aynu jidhka intiisa kale ka soo qaadno in ay tahay beertii, Beerkuna waa kii beerta baaqbaaqayay, haramaynayay ee nafaqada iyo waraabkaba u qaabilsanaa.
Markaa, miyaan magaca BEER koobsanayn dhamaan shaqada uu u hayo jidhka, Soomaaliduna miyaanay ka dharagsanayn shaqada xubintaasi jidhka ugu qaybsan tahay markay magaca 'BEER' siinaysay.
Haddaba ma Soomaalidaa aqoonta kasmada heer ka gaadhay oo dunida inteeda kale kaga horeysay, mise talow afkan ayaa ba ah af Alle samee ah oo dhaafsiisan inta Aadanuhu gaadhi karo. Labadaa ta ay tahayba waxa hubanti ah in afkani yahay af dihin oo wali sokeeye iyo shisheeyaba aqoon badani ugu laaban tahay.

Wednesday, November 13, 2019
AF Soomaaligu Ma Carabi baa?
AF Soomaaligu Ma Carabi baa?
Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku dooda ama aaminsan in Af Soomaaligu yahay af Carabi nasakhmay. Taas oo malahayga ay ka tahay diin jacayl amaba ereyada badan ee diinta la xidhiidha ee Soomaaligu ka soo ergistay Carabiga. Sida ay tahayba, wax aan halkan isku deyi doonaa in aan ka falcelino run ahaanta weydiintaas.
Ugu horeyn labada af ee Soomaaliga iyo Carabigu wax ay kawada tirsan yihiin qoys-afeedka loo yaqaan Afroasiatic horena loo odhan jiray HamitoSametic.
Sida afyahanno badan qabaan labada af-baheed ee Saamiga iyo Xaamiga ee la isku dhaho Afroasiatic, wax da' weyn ka Xaamiga ah oo Soomaaliga, Berberka iyo Faraaciintu ku abtirsadaan. Marka afafka la bahaynayo wax laga eegaa doco kala duwan sida dhisaalka ereyga, weedhaynta, isrogrogga falka, magacuyaalada, tirsiimada, magacyada xubnaha jidhka, iwm.
Weedhaynta ama sida ereyada afku isku raacaan, waa isirka ugu mudan ee afafka la ga eego xidhiidhkooda. Qaybaha hadalka oo ay ugu mudan yihiin saddexda qaybood ee 'falaha', 'falka' iyo 'la-falaha', ayaa afba si u kala hormariyaa. Tusaale, Ingiriisiga oo ka tirsan qoys-afeedka 'Indo-yurubiyan' wax uu weedha u hormeeyaa: yeele 'subject', fal 'verb', la-yeele 'Object' (SVO). Halka Carabigu u hormeeyo, fal, yeele, iyo layeele (VSO).
Ali went to school
(S) (V) (O)
ذهب علي إلى المدرس
Halka Soomaaliga sida caadiga ah ama toosanba soo hor maro; yeele 'subject', layeele 'object', falkuna 'verb' ugu dambeeyo (SOV).
Cali dugsiga ayuu aaday (tagay)
Marmarna yeelaha iyo la yeelaha ayaa la iswaydaariyo oo weedhu waxa ay noqotaa (OSV)
Dugsiga ayuu Cali aaday.
Se marnaba sida Carabiga, Soomaaligu falka ma horeysiin karo, tusaale:
Aaday Cali dugsiga.
Halkaa wax inooga soo baxay in dhiska weedha labada af uu aad u kala duwan yahay. Sidaa awgeedna aan af Soomaaliga aanu ahayn af Carabi dhalanrogmay. Se labada af kala yihiin laba af oo kala madax banaan.
Dhanka kale, wax aynu si korkaxaadis ah iyana wax kaga iftiimin doonaa isku ekaanta isrogrogga falalka Carabiga iyo Soomaaliga. Se ugu horeyn wax la ga ma maarmaan noqonaysa in aan ku yara hakano, sharaxaad yarna ka bixino falka Soomaaliga.
Si guud, falku waa qayb ka mid ah qaybaha hadalka (parts of speech). Waana qaybta ugu mudan afka, la'aantiisana aanu afku macne tolmoon yeelan karin. Falku wax uu tilmaamaa hawl la qabtay, la qabanayo ama la qabandoono. Salkiisuna waa falka faridda ah, ee qofka kowaad ee kelida ama wadarta oo ah cidda sida tooska ah loo amri karo, sida, cun (keli), cunna (wadar).
Falku wax uu u qaybsamaa laba qaybood oo loo kala yaqaan fal ebyane (regular verb) iyo ma-ebyane/(irregular verb).
Fal ebyanuhu waa falka jiriddiisu iska rogrogto dhanka dambe sida; cun, cunay, cunayaa, cunayay, cunaa, cuni doonaa, iwm. Ma-ebyanuhuna waa ka jiriddiisu hore iyo gadaalba iska bedbedesho, umana badna sida ebyanaha, inta la ogyahay na shan fal ayaa ma-ebyane ah.
Tusaale;
Ereyga dheh oo carabina ah qul, marka qofka kowaad ee kalida ah waxa laga hormariyaa 'i' ama alif, marka wadarta qofka kowaad yahayna 'n' ama nuun' labada afba, waana sidan:
i-dhi, a-quulu
ni-dhi, na-quulu,
Kofka labaad keli iyo wadar.
ti-dhi, ta-quulu
ti-dhaah-deen, ta-quul-iin, iwm.
Qofka saddexaad (maqan) keli iyo wadar.
Yi-dhi, ya-quulu
Ti-dhi, ta-quulu
Yi-dhaah-deen, ya-quul-uun
Intan waa in yar oo ka mid ah waxa badan ee ay wadaagaan. Markaa wax aan anigu aaminsanahay in Soomaaligu yahay afka Carabigu ka tafiiran yahay.
Guuleed
Wednesday, October 30, 2019
Ereyga MIN
Ereyga MIN
Ereyga 'min' waa xerudhalan Soomaali ah, waana mid ka mid ah ereyada da'da weyn ee afka. Waa erey la macne ah hoy, baro, ama guri. Ereyga waxa si toos ah looga adeegsadaa koonfurta, inkasta oo waqooyiga si dadban looga adeegsado isagoo lamaan sida:
1. Minweyn
2. Minyaro
3. Minxiis
4. Minfiiq
5. Mindhicir ama mindhixir
6. Minguurin
7. Mindheeli
Ma ogtahay in ereyga من ah qurub weydiineedka Carabigu in uu yahay ereygii 'min'. Tusaale, marka aad leedahay من اين اتيت
In ay la macno tahay "minkeed tagaysaa/tagtaa. Ereyada kale ee lamaan ee Carabiga ah ee 'min' ku jiro waxa iyana ka mid ah: منزل ,منبر, iwm. Ereyga 'manzil' sida muuqada wax uu ka kooban yahay 'man' oo ah 'min' doorsoon iyo 'zil' oo ah fal-amar macnihiisu yahay 'deg'.
Ereygan iyo kuwa kale ee la jaadka ah ee afafku wadaagaan waa kuwa tilmaama in afafkaasi isku qoys yihiin, ama hal af ka isiran yihiin, sida afafka Soomaaliga iyo Carabiguba ugu wada aftirsadaan AfroAsiatic.

Subscribe to:
Posts (Atom)