Thursday, August 6, 2020

Sooyaalka Qoraalka Farta

Sooyaalka Qoraalka Farta

Fartu waa gumarada ugu weyn gumarooyinka aadanuhu dunida ku soo kordhiyay. La'aanteed aqoontu ma taabagasheen oo halka ay hadda joogto ma gaadheen. Ma na suurtogasheen in la dhiteeyo mahadhooyinka iyo waayo-aragnimada qori-isku-dhiibka ah ee aadanaha kala dhaxlay.

Abaalkaa aan duugoobayn waa Farta ee waxa suurtogeliyay oo soo kordhiyay ilbaxnimadii guunka ahayd ee Faraaciinta. Hiroglaafi (Hieroglyphs) waa fartii ugu horeysay ee faraha oo dhan ay ka hanaqaadeen. Waa hab sawiro ah oo sawirkasta u taagan yahay dhawaaqqa magaciisu ka bilaabmo. Tusaale,  dhawaaqqa 'x' waxa u taagan xadhig soohan (ka eeg sawirka hoose).

Muddo ka dib waxa fartii sawirada ahayd fudaydiyay oo shaqallo ku daray dadyow badmareeno ahaa oo la odhan jiray Foniishiyan (Phoenician) oo deganaan jiray dhulka haddeer loo yaqaan Lubnaan . Waa qolada lagu maamuusay ereyada phonology iyo phonetics ee aqoonta codeynta ee afyahannimada (linguistics) la xidhiidha.

Fartii waxa ay u kala baxday laba qaybood, qayb Giriigu qaatay Kadibna Roomaanka oo afkoodu Laatiin ahaa ka sii qaateen oo loo aqoonsaday Alifbiito, iyo qayb kale oo Sematiggu (Aramaic, Cibriga iyo Carabiga) qaateen oo loo bixiyay Abgad (Abjad).

Alifbiito (Alphabet) waxa laga keenay labada xaraf ee  ugu horeeyay hiroglaafiga waa Alifka iyo Biitada. Abgad (Abjad) waxa iyana loo soo gaabiyay afarta xaraf ee hore ee kala ah Alif, biito, gambadh, iyo dhudhunka, ogow oo Carabigu ma leh dhawaaqqa "G" da badelkeedana waxa u taagan "J" sidaas ayaanay "Abjad" ama "Abjadiyah" ugu dhawaaqaan.

Habka Abgadku waa hab-qoraal xarfihiisu shibaneyaal keliya ka kooban yihiin oo aan lahayn shaqallo, halka shaqaladana waxa ugu jira xarakooyinka. Afafka abgadka wax ku qorta waxa ugu weyn Carabiga iyo Cibriga (afka Yuhuudda). Si la mid ah, Faraaciinta fartoodu waxa ay ahayd shibaneyaal keliya. Se Alifbiitada xarfaheedu waxa ay iskugu jiraan shibaneyaal iyo shaqallo.

Ogow Faraaciintu "Alifka" waxa ay u aqoonsanayd shibane, Carabta iyo Cibriguna sidaas ayay iyana shibane ugu qaateen. Aqoonta codeynta alifka waxa uu ka mid yahay shibanayaasha waxaana loo yaqaan doob-xidhan (glottal stop). 

Tusaale;

Ereyga أكل waxa uu ka kooban yahay saddex xaraf/shibane ee أ iyo ك iyo ل. Ereyga Soomaaliga ah ee "arag" isna waxa uu ka kooban yahay saddex shibane ee "alif", r iyo d iyo shaqalka "a" oo u dhexeeya labada shibane ee danbe. Se qoraal ahaan waxa isku dhigmo noqday alifkii iyo shaqalkii "a".

Haddaba, weydiintu waxa ay tahay Soomaaligu labadaa hab (Alifbiito iyo abgad) midkee ayuu yahay?

Haddii aad si dhab ah ugu fiirsato  af Soomaaliga oo aad iska indhotirto fartan loo qoray 1972-dii, waxa kuu soo baxaysa in alifku shibaneyaashiisa ka mid yahay. Suugaanta oo u mudan wax tusaale loo qaato alifku waa mid ka mid ah xarafraaca maansada.

Inkasta oo firginta (') shibanayaasha lagu daray haddana muhiimad lama siin oo lama adeegsan. Taasina waxa ay qoraalkii afka ku keentay jahawareer ay isku murgeen shaqaladii (xarakooyinkii) iyo alifkii. Ogow firgintu waa "alif" se shaqadii alifka oo dhan lama siin keliya waxa lagu koobay meelo gaar ah sida da'da, ci'da (a-da, iyo i-da halkaas ku jira waa shibanihii alifka ahaa oo kordhig iyo hoosdhig qaatay ama shaqallada 'a' iyo 'I' yeeshay).

Hadal iyo dhamaan qabyada farta Soomaaligu waa ka qotodheer tahay inta ilaa hadda wax laga qoray. Fartuna waxa ay ku godan tahay farta lafteeda.

Lifaaq:

Hoos waxaan taxay fartii Faraaciinta oo dhawaaq raaciyay.

A – Alif

B – Biito

G – Gambadh

D – Dhundhun (Dundun)

H – Hoy

W – Wacal

Z – Zeed (seed)

X – Xadhig

T – Taag (Tuur)

K – Kalax

L – Laan

M – Mays (Guun-Mays)

N – Naani (biyo)

S – Suun

C – Cudud

F – Fanto

Th – Theeto (Seetada geela)

Q – Qar (markii danbe QOf lagu badalay)

R – Reh (Af hadlaya)

Sh- Shax (Shax biyo fadhiyaan)

P – Par (Baro ama guri la dego)

Kh – Khad

Ereyada la maydhaamay (dhalanrogay)

Puntland

Ereyga 'Punt' waa erey magac ah oo sida la sheegay waayadii hore loo qayaanay jiid balaadhan oo ka tirsan dhulweynaha Soomaalida. Waa jiidda dhanka koonfureed kaga teedsan badacas ee ka soo bilaabanta gobolka bari ee Boosaaso magaalamadaxda u tahay ilaa gaadhsiisan dhulka canfarta ee Djibouti iyo Eritrea. 


Faraaciintii hore, sida la sheegay dhulkaa wax ay u yaqaaneen dhulka awoowyada ay ka soo jeedaan ama ka isiran yihiin. Sida ku xusan qoraaladii ay ka tageen ee ku qoran hannaanka loo yaqaano "haragliif" saddexdan xaraf "PWN" oo la raaciyay qodobka dhedigga ee "t". Taas oo giriigu ugu dhawaaqay Punt. Se marka aad u fiirsato xarafaha oo aad dhawaaq u yeesho noqonaya BUUNTA. 


Haa, waa sidaa, waayo iyagu xarfaha sidan " PWNT" uma ay qori jirin, se wax fartoodu u qormi jirtay hanaan sawiro ah, oo sawir walba u taagan yahay Xaraf. Tusaale, marka ay doonayaan in ay qoraan "L" wax ay sawiri jireen libaax fadhiya, iwm. Haddaba, ereyga 'buun' wax ay ku muujin jireen saddex sawir oo ka dhexdu yahay shinbir ama digaagad yar oo dhal ah oo u taagnay xarafka "W" mararka qaarna noqota dhawaaqyada "U" ama "UU".


BUUN waa erey soomaali ah oo loo yaqaan wax la afuufo oo ka samaysan gees xoolaad. Haddaba dhulkan ay PUNT ama BUUNTA (marka lab laga dhigona waa BUUNKA) u yaqaaneen waa dhulka haddeer loo yaqaan geeska Afrika (buunka Afrika). Miyaan markaa magaca PUNT ahayn magacii BUUN oo inta Giriig afkiisa ku turjuntay   dhalanrogmay. 


Inta afkeenii Giriig badalay ayaynu inaguna isaga dib uga soo qaadanay isaga oo macne kale wata. Punt ama buun, lama macne aha 'udug'. Se dhulka 'Buun' ayaa ah dhulka udugga Faraaciinta, Giriigga iyo Roomaanku ka gadan jireen, haddeerna udugga dunida isticmaasho 80% waxa laga dhoofiyaa dhulkan Soomaalida. Malahaygana halka udugga iyo magaca laga xidhiidhinayaana waa halkaas.


Inta dunida gashi igaga maqan, garanba maysaan.

Macnaha Magaca Eebe


Horta adeegsiga Ereyga Eebe waa mid taabogalay oo Soomaalida haddeer u taqaan Alleh sidaasna ku saxan. Afkuna sidiisaba waa dhawaaqyo isku tagay oo ereyo sameeya oo dadku erey kasta wax gaar ah sumad uga dhigtay oo la isla gartay ama la is ku la aqoonsaday. Inta badan ereyga iyo waxa loo yaqaano xidhiidh kama dhexeeyo waxaana taa ka hadasha aqoonta semantics ee ereyada iyo macnahooda ku foogan. Marar kalena waxa dhacda in ereyada macne-guur ku dhaco oo waa hore waxii loo yaqaan inta laga kaxeeyo macne cusub la siiyo.

Magaca Eebe waa erey la macne ah "dhamme" (dhamays). Ereygu waxa uu u dhisan yahay eeb#e oo ah qaabka yeelaha, waxaanu la dhisme yahay jir#e, joog#e, cun#e iwm.

Inta badan ereyada alifka ku bilaabma Soomaaliga kolkol waa la dheereeyaa kolkolna waxa aad arkaysaa iyagoo gaaban sida; aabe oo ka yimid ereyga "ab" oo sida muuqata shaqalkiisa la gaabiyay. Waxa la mid ah "aag" oo markan si gaaban loogu dhawaaqo "ag" iyo "agagaar".

Eebe waxa uu la jirid yahay ereyada ebi, ebyan, ebyoone, eebo iwm. Waxa muuqata in dhawaaqqa "e" qaarkood la dheereeyo qaarkoodna la gaabiyo marka lagu dhawaaqayo. Sida aynu kor ku xusnay waa arrin caadi ah oo la xidhiidhta codeynta.

Weydiintu waxa ay noqonaysaa: halkee macnaha Eebe ee aynu "dhamme" ku sheegnay u cuskanay ama ka keenay?

Sida aqoonta etymology ina barayso ereyada macnahooda si loo sugo waxa la raadiyaa ereyada kale ee ay sal-wadaagga yihiin, kuwaas oo macnahooda inta la taxo dabadeed halkaa laga soo dhiraandhirsado macnaha ay wadaagaan. Si aynu haddaba macnaha Eebe u sugno aan dhugano macnaha ereyada aynu kor ku xusnay ee ay sal-wadaagga yihiin.

Ebi waa erey fal ah oo macnahiisu yahay "Hawl hore loo bilaabay ama qabyo ahayd dhamaystirid". Marka lagu yidhaah "ebi" waa amar toos ah oo qofka la la hadlayo la farayo in hawl qabyo ah uu dhamaystiro.

Ebyan waa erey "Tilmaan ama sifo" ah oo macnahiisu yahay "wax la dhamaystiray noqosho" ebyoon iyana waa la macne.

Halkaa waxa inooga muuqata in ereyadaa sal-wadaagga ah dhamaantood ereyga "dhamaystir" wadaagaan. Si kale haddaynu u dhigno fal-amarka "ebi" waxa uu la mid yahay "dhamee". Marka labada erey dibkabayaasha ka reebno inta inoo soo hadhaysa oo ah salka ama jiriddoodu waa "eb" iyo "dhan". Haddii aynu dibkabaha yeelaha ee "e" raacino waxa ay noqonayaan "ebe" iyo "dhamme" (sida caadiga ah "n" marka ereyga ugu danbeyso haddii dibkabe la raaciyo "m" ayay isku badashaa sida "san" = "same" ama "samaan", "xun" = "xume" ama "xumaan". 

Hadal iyo dhamaan afku waa kolba sida bulshada ku hadashaa iskula garato ee ay u adeegsato. Afkastana waa ku jiraan ereyo macne-guur ku dhacay iyo ereyo kale oo aanay macnahooda afkoodu qeexi karin, waxaana ka mid ah ereyga Alleh oo af Carabigu aanu qeexi karin macnehiisa iyo asalkiisa toona. Se ereyga Eebe waa erey Soomaaliyeed oo dhamme la macne ah.

F.g 

Macnaha ereyada kor ku xusnay waxa aan ka soo qaadanay Qaamuuska Af-soomaaliga ee ay wada diyaariyeen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur.

Tuesday, March 24, 2020

Asalka Magaca Alleh

Asalka Magaca Alleh
Eebe, waxa uu leh yahay sagaal iyo sagaashan magac oo mid mooyee inta kale ay yihiin magac-tilmaameed ama sifo. Magaca samiga ah ee u gaarka ah Guuluhu waa Alleh oo Isaga mooyee aan cid kale lagu sheegi karin. Halka Ilaah uu yahay magac guud oo loogu yeedho wax kasta oo la caabudo, kaas oo meel la jooga ereyga ‘God’ ee Ingiriisiga ah. Haddaba waydiintu waxa ay tahay halkee ama afkee ayuu magacu ka soo jeedaa?
Ugu horeyn, magacu lama kowsan diinta Islaamka oo ka hor intaan Quraanku soo degin Carabtu waa ay taqaanay ama adeegsan jirtay. Waxaana caddeyn inoogu filan magacyadii ay la bixi jirtay sida CabdAlleh (addoon-Alleh). Sidoo kale, Carabta aan muslinka ahayn, ilaa haddeerto sidaa ayay Eebe weyne Alleh ugu yaqaanan, kutubtoodana ugu qoran tahay.
Afafka kale ee Saamiga ah (Sematic), sida Cibriga (Hebrew) oo ah afka Yuhuudda ee uu ku qoran yahay Cahdiga hore (Old Testament) ama Tooraad waxa ku xusan Il, El iyo Elaha. Isna Aramaic oo ah afkii Nabi Ciise waxa ay ugu dhawaaqaan Alaha. Syriac oo la bah ah waxa ay iyaguna ugu dhawaaqaan Alaha.
Haddaba, qaryaanada Islaamka ah ee isku dayay in ay macneeyaan isla markaana qeexaan halka uu ka soo jeedo magacu waxa ay u kala baxeen laba kooxood oo qolo kastaaba si u fasirtay, kooxda hore waxa ay ku doodeen in magacu yahay magac Carbeed oo laga soo dhiraandhiriyay ereyga إله oo la raaciyay qodobka ال ee aqoolka (macrifa). Dabadeedna dhawaaqu lumiyay alifka إله ugu horeeya, sidaasna أللّه ereygii ku noqday.
Inkasta oo kooxdani ku dadaashay in magaca ay carabeeyaan, haddana, waxa ka hortimid oo dooddooda burisay arrimahan:
  1. 1 Alifka iyo laamka أللّه ku  jira waa mid ka tirsan abuurka ereyga, waxaana aynu sidaa ku caddeynaynaa magac kasta oo carabi ah haddii laga hor mariyo qurubka yeedhmada ee ka tirsan abuurka ereyga, waxaana aynu sidaa ku caddeynaynaa magac kasta oo carabi ah haddii laga hor mariyo qurubka yeedhmada ee يا waxa qasab ah in ال la barabixiyo. Tusaale ereyga الرّجل marka yeedhmo la raaciyo wax uu noqdaa يارجل.Halka أللّه, ياأللّه labada goorba aanu is badalin. Halkaa waxa inooga caddaatay in alifka iyo laamka أللّه ku yiraa ay ka mid yihiin jiriddiisa ee aanay ahayn kuwii qodobka ahaa.
  1. 2 Shadka أللّه la socda waxa loogu dhawaaqaa si culus (tafkheem) oo ka duwan sida ereyada kale ee shadan ee Carabiga ah loogu dhawaaqo, sida dhawaaqaa si culus (tafkheem) oo ka duwan sida ereyada kale ee shadan ee Carabiga ah loogu dhawaaqo, sida اللّيل
  1. 3 Magaca Eebe marnaba ma yeesho wadar ama labaale, halka ereyga إله labadaa qaabba noqdo.
  1. 4 Marnaba Quraanku magaca looguma xusin qaabka the God ama al alleh. alleh.
Qodobadaa aynu xusnay waxa ay burinayaan aragtida aaminsan in macagu yahay magac Carbeed doorsoomay.
Fikradda labaad oo ah ta labada xaqiiqda u dhaw. Waxa ay dooddoodu tahay, kolba haddii magacu baal maray xeerarkii afka Carabiga oo aanu la mid ahayn dhamaan ereyada kale ee Carbeed, waxa ay dooddooda ku soo gaabiyeen, in magacu yahay mid guud oo ilaa Nabi Aadan nabiyadoo dhami yaqaaneen sidaasna u adeegsan jireen.
Haddaba, abbaarta qoraalkan koobani wax ay waxna ku raacaysaa waxna kaga duwan tahay, ama wax ku biirinaysaa fikaradda labaad ee odhanaysa magacu waa macag ilaa Aadan Eebe loo yaqaanay oo aan ahayn xerudhalan Carbeed. Waa ta kowaad ee waa run oo magacu ma aha magac Carbeed. Waa ta labaad ee magacu waa magac Soomaaliyeed oo xerudhalan ah.

Ka hor inta aynaan halkaa ka gudbin waxa haboon in aynu sharaxaad kooban ka bixino sida ereyadu u dhismaan. Afyahannada ku foogan aqoonta ereyeyntu (morphology) waxa ay ereyada u jabjabiyaan dhambalo lagu sugayo salka areyga (root word). Dhanbaladaasi waxa ay noqdaan laba middood; dhanbal madaxbanaan oo iskii erey u noqda (free morpheme) iyo dhanbal sidkan oo aan gaar u istaagi karin (bound morpheme) sida; ugbaad. ‘Ug’ waa dhanbal sidkan, halka ‘baad’ tahay dhanbal madaxbanaan.
Si loo helo macnaha erey-saleedka sidkan waxa laga soo dhiraandhiriyaa macnaha  ereyada sal wadaagga ah. Tusaale, erey-saleedka Ingiriisiga ah ee ‘struct’ waa mid sidkan macnihiisuna yahay ‘dhis’, sida ka muuqata ereyada uu ku jire ee ay ka mid yihiin;
Con-struct-ion (the act of bringing together all the elements of a building)  
De-struct-ive (tending to destroy) In-struct-ion (teaching; information; education)
Ob-struct (build against; prevents building)
In-stru-ment (a tool to build with)
Struct-ure (a building; an arrangement)
Ereyga Alleh waa erey lamaan oo ka kooban labada erey ee ‘al’ iyo ‘leh’. Ereyga leh waa erey tilmaan ah oo badiyaa ereyada dibkabe u noqda.  Ereyga lagu la raaciyo waxa uu siiyaa macne sheegaya lahaansho. Tusaale; Geel marka leh gadaal lagaga qodbo waxa uu qofka lagu magaabo ku tusinayaa in aanu caydh ahayne uu leh yahay geel. (geel+leh)
Soomaalidu intaan maryaha dibadda laga keeno aanay xidhan, waxa ay xidhan jireen oo aradbeel u ahaa harag la midgiyay oo inta la qurxiyay dhar ahaan loo qaadan jiray. Haddaba hooyada Soomaaliyeed iyada oo ilmaheeda aradnaan kala ordaysa ayaa ay ugu magacbixin jirtay wiilka ay dhasho dhuule (dhuu+leh) oo macneheedu yahay kii dhuu-ga (maryaha) lahaa.

Haddaynu hoos ugu degno mucda iyo abbaarta qormadan . Ereyga ‘al’ waa erey-saleed sidkan oo ku jira ereyo badan oo Soomaali ah oo ay ka mid yihiin;
Al-ab :- ged, dabci ama caado soo jireen ah
Al-oog :- wax abuurid; wax kor u qaadid
Al-oos :- wax abuurid Al-an :- xubnaha ama jiridda geedka qasabka/aale-sonkorka
Al-een :- kooryar oo geela lagu jiro
Al-kun :- curin wax aan hore u jirin
Al-aal ;- qof la qabsan og dad iyo dal hore aanu u aqoon jirin

Waxa halkaa inooga muuqada in macnaha ereyga ‘al’ yahay ‘jirid ama jiritaan’. Sidaana waxa aynu ka soo dhiraandhirsanay macnaha ay wadaagaan ereyadaas kore. Haddaba magaca Alleh ama Alle (sida badi loogu dhawaaqo) miyaanu ahayn kii jiritaan oo dhan lahaa (Al+leh).
Guuleedayaanle Axmed Cumar
Ayaanle77@yahoo.com

Tuesday, December 3, 2019

Maamullo is Dabraya


Afeef:

Qormadan 2016 kii ayaynu halkan ku baahinay, se wax aan jeclaysay in aan kolkale idinla wadaago. Waayo nuxurka ay ka hadlayso ayaa ah arrin taagan oo aynaan wali xal u helin. Shifo ku il saar oo shar kuuma leh.

Maamullo is Dabraya

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim (Xidigtii Dagaara 1964)

Gogol-dhig

Hab-nololeedka bulsho bar kuwada uuman oo nolol-wadaag ahi, maaha mid hal mar bilaabmay ama isaga oo isku dhan dadkaasi samaysteen. Waa hab ku yimid qori isku dhib, koriinkiisu furan yahay oo la koraya hadba sida noloshu u korayso. Hab-nololeedkaasi, waa baadisooce ummadda wadaagta leedahay, kana sooca bulshooyinka kale ee aan la wadaagin. Habkaasi, waxa ku guda jira oo uu koobsadaa dhamaan waxa qoomiyadi wadaagto ee qeexa jiritaankeeda qoomiyad ahaaneed. Waxyaabaha ugu waaweyn ee aynu ka xusi karno waxa kamid ah afka ay leedahay, waxa ay rumaysan tahay (believes), xeerarka (laws) ka dhexeeya, caadooyinka (norms) xasuus wadareedka u ah ee ay wadaagto ama ay leedahay, qiyamka (values) ama waxa ay qiimayso iyo kuwo kale.

Bulsho kasta oo dunida ku nooli way taqaanay sida ay u xalliso arrimaha dhexdeeda yimaadda, martina ugamay noqon jirin cid kale. Sidoo kale qaabka ay isku maamusho, waxa uu ahaa mid ay taqaano oo baahiyaheeda ka yimid, oo sooyaalkeeda nololeed ku sar go’an, dhaqankeedana ku guda jira. Maamullada bulshooyinku way kala duwanaayeen oo sida degaanada iyo qaab nololeedkoodu u kala duwanaa ayay hab-maamulladoodu u kala duwanaayeen, suurto galna may ahayn in loo minguuriyo hab-maamul bulsho leedahay mid kale. Haddii labada degaan aad u kala duwan yihiina wayba ka sii darnayd/adkayd.

Hor-dhac

Maamul-wanaaga (Good Governance) iyo dimuqraadiyaddayntu (Democratization)  waa mashaariic waayadan danbe dunida ku soo biiray, oo waliba dhaqaale xoog leh ku baxo, sida la yidhaah na ujeedadooddu tahay sidii loo hormarin lahaa ama ba kor loogu qaadi lahaa tayada dawladnimo, guud ahaan dalalka dunida, gaar ahaanna dalalka loo yaqaan dunida saddexaad, marka magaca laga qurixinayana loogu yeedho wadamada soo-koraya, uguna badsadaan dalalka Afrikada ku yaal. In kasta oo hab-nololeedka bulshooyinka dunidu kala duwan yahay, haddana waxa ay ka wada sinnaadeen in dhamaantoodba qaadashada nidaamkaasi u hano-qaadi waayo sidii loo qoondeeyay, oo uu ku adkaado dhamaantoodba.

Soomalida sida aynu ka warqabno nidaamka dawladeed ee cusub (Modern Government System) waxa uu ka hirgalay horaantii lixdamaadkii. Yagleelka dawladnimada cusub waxa saamayn toos ah iyo mid dadban ku lahaa gumaystihii muddada badan ka talinayay geyiga. Taasi waa ta keentay isla markaana dhaxalsiisay in Muddadaas laga joogo qarni badhkii in wali Soomaalidu la daala dhacdo hirgalinta nidaamkaas. Qaadashada nidaamka cusubi, muu noqon mid iyaga ka yimid oo tiirka haya ee salka u ah uu ku qotomo dhaqankeedii taabudka ahaa, isla mar ahaantaana muu noqon mid ka fal-celinay baahidooda gaarka ah. Balse waxa keliya ee Soomaalida la kala dooransiiyay  uun nidaamadii ka jiray dunida waagaas.

Sidaa badelkeeda, dawladnimada Soomaaliland waxa bud dhig looga dhigay habka dhaqanka oo ay hormood ka ahaayeen odayaasha reerahu. Nidaamka dhaqanka waa ka suurto galiyay in haykal dawladeed oo dhamaystirani ka hana-qaado Soomaaliland, laguna nabadeeyo dalka. Nidaamka dhaqanka ku dhisan ama loo yaqaan axdi qarameed waxa uu si buuxda uga shaqeeyay dalka muddo kow iyo toban sanno ah oo ku sinnayd ilaa intii laga soo gaadhayay hirgalinta nidaamka xisbiyada badan ee loo yaqaan dimuqraadiga, kaas oo Soomaaliland laga dhaqan galiyay sanadkii 2002. Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay tahay, in badi waxa Soomaaliland ku faanto la hirgaliyay intii ka horaysay 2002. Walow Soomaaliland ka guurtay nidaamkii dhaqanka ku dhisnaa ee loo yaqaanay axdi-qarameedka, hayaankiina loo raray dhankaa iyo nidaamka ku dhisan xisbiyada badan, haddana waxa jira oo aan indhaha laga qarsan karin, in nidaamkii dhaqanku wali haysto kalsoonidii shacabka, misena ka garab shaqaynayo nidaamkii cusbaa, haddana, labada nidaam aanay ahayn kuwo si hufan iskaga garab shaqaynaya, balse ay yihiin kuwo is dabraya oo hagardaamo badi aan la dhaadayn oo hoose isku haya, oo mid ba ka kale wiiqayo.

Haddaba, qormadan gaaban waxa aynu si guud diiradda ugu saari doonaa nidaamada is dabraya ee Soomaaliland iyo waxa looga baahnaa ama looga baahan yahay dimuqraadiyadda, iyo waxa hortaagan in ay hirgasho?. Si ay nu  wax uga ogaano ama waydiinta uga fal celino waxa ay nu ugu horayn is dul taagi doonaa oo ay nu qeexi doona waxa uu dhaqanku yahay iyo xidhiidhka uu la leeyahay maamulka. Waxa kale oo aynu wax iska waydiin doonaa waxa aynu dimuqraadiyadda uga baahannahay. Ugu danbayntii qormadan kooban waxa aynu  gundhig uga dhigi doonaa oo ay nu ku soo afmeeri doona jaadka maamul ama nidaam ee loo baahan tahay.
Waa maxay Dhaqan?

Isku socodka aadamaha ee bulshooyinku isku gudbeen ee layskaga gudbay qaarado ayaa keentay in aqoon ahaan loo baadho ama loo barto bulshooyinka. Taasina waata keenta in aqoonta la xidhiidha barashada bulshadu ay noqoto mid ku soo biirta dunida. Haddaba, si bulsho wax looga ogaado ama looga barto waxa fure u ah barashada dhaqanka.  Dhaqankuna waa waxa ugu weyn ama tilmaamaha qeexa jiritaanka bulsho.

Haddaba waydiinta si aynu uga jawaabno, waxa aynu u baahanahay in marka hore aan is dul taagno oo aynu isla garano,  bal waxa ay bulsho tahay? Sida ay ku qeexeen aqoonyahannada ku xeeldheer cilmiga Bulshada (Sociology) Waxa ay bulsho u yaqaanaan “koox dad ah oo xidhiidh dhow isla leh nololna wadaaga. Isla mar ahaantaana uu middeeyo hal dhaqan oo ka dhaxeeya, kaas oo ka sooca dadyowga kale ee dunida kula nool ama dhaqan ahaan ka duwan” Morris Ginsberg. Sida dadkaasi u fakaraan ama u dhaqmaan waxa jaangoynteeda leh dhaqanka ay wadaagaan.

Dhaqanku ma aha sida Soomaalida ama dadyow badan oo dunida ku nool xilliyadan danbe u qeexaan. Suugaanta, dharka, ciyaar dhaqameeda iyo agabka la isticmaalo ee soo jireenka ahi, ma aha waxa keliya ee sameeya ama uu ka koobmo dhaqanku, balse waa qayb yar oo kamid ah. Dhaqanku waa hab-nololeed dhamaystiran oo bulsho ka garab samaysato degaanka dabiiciga ah ee Ilaahay ku uumay. Habkaa oo loo yaqaan degaan-bulsheed (Social environment) oo ah degaan aan dabiici ahayn waxa ka mid ah samaysashada guryaha iyo magaalooyinka, aragtida nololeed, xeeladaha ama farsamooyinka nolosha lagula tacaalo, iyo wax kasta oo aadanuhu ku soo kordhiyay degaanka dabiiciga ah. Taasi waa waxa ka sooca Ilma-nabi-aadam noolaha kale, waayo noolaha kale waxa uu la noolaada hadba degaanka dabiiciga ah ee Eebe ku beeray, awood na uma laha in uu yagleelo degaan ka duwan ka dabiiciga ah.
Tilmaamaha ugu waawayn ee dhaqanku leeyahay  ama bulsho laga ogaado waxa ugu horeeya qiyamka (values) oo ah waxa bulshadaasi qiimayso ama aragtida iyo sida ay nolosha u aragto. Waxa kale oo iyana jira waxa caado (norms) u ah. Caadooyinkaasi waa  xusuus wadareed bulshada ka dhexeeya, waana waxa bulshada u kala soora sax iyo qalad, wax suurta gal ah iyo wax aan suurta gal ahayn. Haddii aan si kale u dhigno caadooyinku waa xeerarka aan qornayn ee qeexa waxa qof bulshada ka mid ah laga filan karo, iyo waxa aan laga fili karin.
Bal si aan u fahano xidhiidhka ka dhaxeeya bulsho iyo dhaqanka, aan ekeeye (metaphor) u qaadanno kombuyuutarka. Kombuyuutarku, waxa  uu u qaybiysamaa ama uu u kala baxaa guud ahaan laba qaybood oo loo kala yaqaan:
a) Hardware: oo ah qaybaha la taaban karo ee uu kombuyuutarku leeyahay
b) Software: oo ah barnaamijka ka shaqaysiiya hardware ka ee is fahansiiya isla markaana isku xidha qaybaha kala duwan ee kombuyuutarka.
Sidaa markay tahay, miyaynaan bulsho odhan karin ama u qaadan karin “hardware", dhaqan kana “software”. Waxa kale oo la og yahay in midkoodna (hardware iyo software) ka kale la’aantii aanu shaqayn karin. Sidaa si lamid ah ayaan bulsho jiri karin hadaanu jirin dhaqan ay wadaagtaa, dhaqankuna aanu kelidii u jiri karin haddaan bulshadiisu jirin. Tusaale ahaan, bulsho soomaaliyeed in ay jirto oo ay ka soocnaato bulshooyinka kale ee dunida waxa suurto galiyay dhaqanka u gaarka ah ee ay leedahay. Sidaas oo kale ayaanu jiri karin dhaqanka soomaaligu kelidii, haddii aan bulsho soomaaliyeed jirin. Haddaba, dhaqanku waa waxa isku-haya ama xidhiidhiya bulsho. Sida barnaamij u gaar ah kombuyuutar aan loo tabin karin kombuyuutar kale oo aanu ugu shaqayn karin, ayaa si lamid ah dhaqan bulsho leedahay aanu ugu shaqayn karin bulsho kale.

La soco qaybaha danbe…..

Sunday, December 1, 2019

Xeeldheerida Soomaalidii hore ee caafimaadka

Xeeldheerida Soomaalidii hore ee caafimaadka

Waxa hubanti ah in aadamuhu jeerkasta oo uu noolyahayba halgan uu kula jiro nolosha. Jirrabka nololeed ee uu hadba la soo jaalana u raadiyo  xeeshii uu ku maarayn lahaa. Legdanka nololeed ee aadmuhu nolosha la tacaalayaa, waa kan ka soocaya noolaha intiisa kale, kana dhigay abuurkan karaamaysan ugaaska koonka iyo wixii ku dhex uuman.

Gumaysiga ka hor, Soomaalidu waxay ahayd bulsho isku filan oo nolosha kaalin muuqata ku leh. May ahayn bulsho sugta kaalmo shisheeye oo hadba dhibaha ka hor yimaadda xalkooda cid kale ugu qayshada. Se waxa ay ahaayeen bulsho isku fulin oo taqaan sida loo maareeyo dhib kasta oo la soo dersa.

Duulaankaas shisheeye ee boqol iyo konton jirsaday, wuxuu sababbay burbur umadeed oo baaxad leh oo saanyaday dhinacyo badan oo nolosheeda ah. Wuxuu weerarkaasi khataraha ugu daran ku yeeshay qabkii ummadnimo, wuxuuna dhaawac u gaystay kalsoonidii iyo isku-filnaantii bulshonimo.

Haddaba, qormadan oo hordhac u noqon doonta qormooyin taxane ah oo aan u bixinay 'Caafimaadka iyo Xeerdheerida Soomaalidii hore' oo aynu si taxane ah maalinba mawduuc diiradda ku saari doono. Qormadanna wax aynu ku eegi doonaa xubinta beerka. innaga oo ka eegayna xidhiidhka ka dhexeeya shaqada ay qabato iyo magaceeda.

Beerka

Aqoonta Soomaalidu u lahayd xubnaha jidhka waa mid muuqata oo laga dareemi karo ereybixinada mid walba ay u taqaanay. Ereybixinadaasi, keliya maaha magac, se waa kuwo ka turjumaya sida ay Soomaalidu aqoon durugsan ugu lahayd shaqada xubintaasi qabato iyo muhiimada jidhka ay u leedahay.

Macnaha ereyga Beer (liver) ee qaamuuska;

1. Kol waa magac lab waana xubin uurkujirta ah
lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu
madow guduud ku dheehanyahay ah oo
samaysa xammeytida, dhiiggana wixii
sumeynaya ka ilaalisa. Ama Qaybta dhexe ee
midhaha, jilicsan, qolof ku dahaadhan oo uu
geedku ka beermo.

2. Kolna waa magac dhedig oo waa dhul la falay oo dhir, midho iwm lagu abuuri karo.

3. Kol kalena waa fal amar ah oo cid lagu farayo in ay wax beerto.

Maxay tahay Shaqada Beerku?

Beerku waa xubinta lagu habeeyo kimikooyinka jidhku u baahan yahay si uu u noolaado. Waa xubinta nafaqooyinka cuntada uu ka helo loogu badalo qaabab uu jidhku qaadan karo. Shaqooyinka ugu waaweyn ee uu qabtana waxa ka mid ah;
1. Inuu xakameeyo heerka sonkorta dhiiga la socota. Marka sonkortu ay ku badato dhiiga waa uu ka reebaa oo kaydiyaa si marka ay ku yaraato u raaciyo dhiiga.
2. Wuxuu soo saaraa borotiinka sameeya xinjirowga.
3. Wuxuu ka qayb qaataa burburinta dufanka, waxaanu u badalaa tabar jidhku ku shaqeeyo.
4. Wuxuu meesha ka saaraa unugyada dhiiga cascas ee duqoobay.
5. Wuxuu kale oo dhiiga ka reebaa wixii wasakh ah ee la socda, jidhkana dibada uga saaraa isaga oo raaciya kaadida.

Si kale haddaynu I dhigno oo aynu jidhka intiisa kale ka soo qaadno in ay tahay beertii, Beerkuna waa kii beerta baaqbaaqayay, haramaynayay ee nafaqada iyo waraabkaba u qaabilsanaa.

Markaa, miyaan magaca BEER koobsanayn dhamaan shaqada uu u hayo jidhka, Soomaaliduna miyaanay ka dharagsanayn shaqada xubintaasi jidhka ugu qaybsan tahay markay magaca 'BEER' siinaysay.

Haddaba ma Soomaalidaa aqoonta kasmada heer ka gaadhay oo dunida inteeda kale kaga horeysay, mise talow afkan ayaa ba ah af Alle samee ah oo dhaafsiisan inta Aadanuhu gaadhi karo. Labadaa ta ay tahayba waxa hubanti ah in afkani yahay af dihin oo wali sokeeye iyo shisheeyaba aqoon badani ugu laaban tahay.

Wednesday, November 13, 2019

AF Soomaaligu Ma Carabi baa?


AF Soomaaligu Ma Carabi baa?


Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku dooda ama aaminsan in Af Soomaaligu yahay af Carabi nasakhmay. Taas oo malahayga ay ka tahay diin jacayl amaba ereyada badan ee diinta la xidhiidha ee Soomaaligu ka soo ergistay Carabiga. Sida ay tahayba, wax aan halkan isku deyi doonaa in aan ka falcelino run ahaanta weydiintaas.

Ugu horeyn labada af ee Soomaaliga iyo Carabigu wax ay kawada tirsan yihiin qoys-afeedka loo yaqaan Afroasiatic horena loo odhan jiray HamitoSametic.

Sida afyahanno badan qabaan labada af-baheed ee Saamiga iyo Xaamiga ee la isku dhaho Afroasiatic, wax da' weyn ka Xaamiga ah oo Soomaaliga, Berberka iyo Faraaciintu ku abtirsadaan. Marka afafka la bahaynayo wax laga eegaa doco kala duwan sida dhisaalka ereyga, weedhaynta, isrogrogga falka, magacuyaalada, tirsiimada, magacyada xubnaha jidhka, iwm.

Weedhaynta ama sida ereyada afku isku raacaan, waa isirka ugu mudan ee afafka la ga eego xidhiidhkooda. Qaybaha hadalka oo ay ugu mudan yihiin saddexda qaybood ee 'falaha', 'falka' iyo 'la-falaha', ayaa afba si u kala hormariyaa. Tusaale, Ingiriisiga oo ka tirsan qoys-afeedka 'Indo-yurubiyan' wax uu weedha u hormeeyaa: yeele 'subject', fal 'verb', la-yeele 'Object' (SVO). Halka Carabigu u hormeeyo, fal, yeele, iyo layeele (VSO).

Ali went to school
(S)    (V)       (O)
ذهب علي إلى المدرس
Halka Soomaaliga sida caadiga ah ama toosanba soo hor maro; yeele 'subject', layeele 'object', falkuna 'verb' ugu dambeeyo (SOV). 

Cali dugsiga ayuu aaday (tagay)

Marmarna yeelaha iyo la yeelaha ayaa la  iswaydaariyo oo weedhu waxa ay noqotaa (OSV)

Dugsiga ayuu Cali aaday.

Se marnaba sida Carabiga, Soomaaligu falka ma horeysiin karo, tusaale:

Aaday Cali dugsiga.

Halkaa wax inooga soo baxay in dhiska weedha labada af uu aad u kala duwan yahay. Sidaa awgeedna aan af Soomaaliga aanu ahayn af Carabi dhalanrogmay. Se labada af kala yihiin laba af oo kala madax banaan.

Dhanka kale, wax aynu si korkaxaadis ah iyana wax kaga iftiimin doonaa isku ekaanta isrogrogga falalka Carabiga iyo Soomaaliga. Se ugu horeyn wax la ga ma maarmaan noqonaysa in aan ku yara hakano, sharaxaad yarna ka bixino falka Soomaaliga. 

Si guud, falku waa qayb ka mid ah qaybaha hadalka (parts of speech). Waana qaybta ugu mudan afka, la'aantiisana aanu afku macne tolmoon yeelan karin. Falku wax uu tilmaamaa hawl la qabtay, la qabanayo ama la qabandoono. Salkiisuna waa falka faridda ah, ee qofka kowaad ee kelida ama wadarta oo ah cidda sida tooska ah loo amri karo, sida, cun (keli), cunna (wadar).

Falku wax uu u qaybsamaa laba qaybood oo loo kala yaqaan fal ebyane (regular verb) iyo ma-ebyane/(irregular verb).

Fal ebyanuhu waa falka jiriddiisu iska rogrogto dhanka dambe sida; cun, cunay, cunayaa, cunayay, cunaa, cuni doonaa, iwm. Ma-ebyanuhuna waa ka jiriddiisu hore iyo gadaalba iska bedbedesho, umana badna sida ebyanaha, inta la ogyahay na shan fal ayaa ma-ebyane ah.

Tusaale; 

Ereyga dheh oo carabina ah qul, marka qofka kowaad ee kalida ah waxa laga hormariyaa 'i' ama alif, marka wadarta qofka kowaad yahayna 'n' ama nuun' labada afba, waana sidan:

i-dhi, a-quulu
ni-dhi, na-quulu,

Kofka labaad keli iyo wadar.

ti-dhi, ta-quulu
ti-dhaah-deen, ta-quul-iin, iwm.

Qofka saddexaad (maqan) keli iyo wadar.

Yi-dhi, ya-quulu
Ti-dhi, ta-quulu
Yi-dhaah-deen, ya-quul-uun

Intan waa in yar oo ka mid ah waxa badan ee ay wadaagaan. Markaa wax aan anigu aaminsanahay in Soomaaligu yahay afka Carabigu ka tafiiran yahay.

Guuleed